QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda adag ee dalka Afgaanistaan

0

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Afgaanistaan ​​ay halis ugu jirto burbur guud, ka dib markii dalkaasi ay soo wajaheen dhibaatooyin ay ka mid yihiin, kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka iyo lacag la’aan ka jirta bangiyada gaarka loo leeyahay.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa Khamiistii u sheegtay Golaha Ammaanka in la sameeyo hab lagama maarmaan u ah soo celinta lacagaha ka xayiran dalkaasi, si looga hortago in gebi ahaanba uu burburo dhaqaalaha iyo kala dambeynta bulsha.

“Lacagaha Afganistaan waa in loo oggolaado in ay shaqeeyaan dhowr bilood oo dheeri ah, taasoo siinaysa Taliban fursad ay ku muujiso dabacsanaan iyo rabitaan dhab ah,si ay wax uga qabato xagga xuquuqda aadanaha, iyo aragtida ka hortagga argagixisada,sidaasi waxaa 15 -Xubin ee Golaha ammaanka u sheegay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons.

Ku dhawaad ​​$ 10-bn oo ka mid ah hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ​​ayaa hadda la xayiray ,waxaana loo tixgeliyaa inay tahay awood muhiim u ah maamulka cusub ee Taalibaan.

Dhanka kale, Danjiraha Pakistan u fadhiya Qaramada Midoobay Munir Akram oo ka hadlayey kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa Afgaanistaan ayaa sheegay in dunidu ay ka hortagto xaaladda dhibaatooyinka ka jira daslkaasi, maxaa yeelay waxay dhallin karaan qaxooti aad u badan oo sii adkeynaya rajada dadka,nabadda iyo amniga.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa ka hor istaagay Daalibaan inay helaan ilaa $ 440-m oo kayd cusub ah,halka Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in wadada kaliya ee u furan ay tahay bixinta gargaarka bani’aadanimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here