QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda dalka Afgaanistaan

0

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka reer Afgaanistaan ​​ay soo wajaheyso xaalado dhanka bini’aadanimada ah oo ay sababeen  cunto yari, taasoo ka dhigeysa in saddexdii qofba mid ka mid ah uu dareemayo gaajo.

Ramiz Alakbarov, oo ah isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Afghanista ayaa Arbacadii sheegay in Xaaladda Afgaanistaan ​​marka laga eego dhinaca bani’aadamnimada ay tahay mid aad u kacsan,wuxuuna intaa ku daray in in ka badan kala bar carruurta dalka ay durba la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto

Maalmihii u dambeeyay qiimaha raashinka ee Afgaanistaan ​​ayaa kordhay ilaa boqolkiiba 50, halka batroolka uu kordhay ilaa 75 boqolkiiba,waxaana sidoo kale joogsaday gargaarkii caalamiga ahaa ee ka imaan jiray dibadda.

Dhanka kale, diyaarad ay leedahay Qatar Airways ayaa soo caga -dhigatay Kabul ,taas oo sidday koox u howlgasha in mar kale uu garoonku shaqeeyo ,fursadna loo helo dib u bilaabidda howlaga gargaarka.

Daalibaan ayaa lagu wadaa in ay soo dhisaan dowlad,inkastoo ay wajahayaan ciriiri dhanka dibolomaasiyadda ah iyo dhaqaale xumo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here