QM oo Puntland kala hadashay xaqiijinta qoondada haweenka

0

Ku-xigeenka Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho oo booqasho ku tegtay magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulantay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Barlamaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Kiki Gbehoa ayaa sidoo kale kula la yeelatay  Wasiirka Haweenka iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, oo ay isla meel dhigeen xoojinta baahida loo qabo iskaashi iyo wadahadal inta ay socdaan doorashooyinka, waajibaadka ka saaran in la xaqiijiyo 30% qoondada haweenka, oo loo ololeeyo in lagu daro kuwa aan sida buuxda aan loo matalin oo ay ku jiraan dhallinyarada, iyadoo markale carrabka lagu adkeeyey taageerada Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here