QM oo shaacisay inay korortay tirada dadka ku barakacay abaaraha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa shaaca looga qaaday in tirada dadka ku barakacay abaaraha ka jira  Soomaaliya ay korortay 231 boqolkiiba.

Hay’adaha OCHA, IOM iyo UNICEF ayaa si wadajir ah u soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.

Warbixinta, ayaa lagu xusay in ka badan 112,400 oo qof ay ku barakaceen abaarihii dalka ka dhacay 1-22-kii bishi June, iyadoo tiradan ay korortay 231% marka loo eego bishii May.

Sidoo kale waxaa la sheegay in 60% dadka abaaruhu ay saameeyeen ay tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Halka tirooyinka intaas ka yar ay ku barakaceen gobollada kale ee dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horey u dalbatay gargaar caalami ah, sababo la xiriira saameynta ka dhalatay abaaraha baahsan ee haatan ka jira gudaha dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here