QM oo u hoggaansantay amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go’aankii dowlada Soomaaliya ay ku xirtay qeybta ay ka isticmaalaan garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON, waxayna sheegeen in laga bilaabo maanta ay joojiyeen isticmaalkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay.”

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta.” ayaa la raaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay xirtay qeybta garoonka ee ay isticmaalaan shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay, diblomaatsiyiinta, sida ku cad qoraalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here