QM oo warbixin cusub kasoo saartay khasaaraha roobab ka da’ay Soomaaliya

0

Hay’adda gargaarka deg-deg ah ee  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in roobab dhawaan ka da’ay Soomaaliya ay waxyeelo u geysteen illaa iyo 166,000 oo ruux.

Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka ee OCHA ayaa sheegay in roobabka oo ku yaraa qeybo ka mid ah dalka ay hadana jirto halista aafooyin ka dhashay dhinaca cimilada oo ku dhuftay Soomaaliya.

25 bishii April ee sannadkan oo Soomaaliya looga dhawaaqay abaar iyo roobab culus oo sababay in webiga uu kar-kaarada jabsado isla markaana ay ka dhasheen fatahaado horleh.

OCHA ayaa sheegtay in saameynta abaarta iyo fatahaadaha oo isbiirsaday  ay ka sii dari doonto xaalada iyadoo hore cuno yari ka jirtay Soomaaliya ay keentay in halis bani’aadinimo ay wajaheen 2.7 ruux oo u baahan gargaar.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay adag tahay sidii lagu gaari lahaa dadka ay dhibaatada soo gaartay iyadoo roobabka ay waxyeeleen wadooyinka.

Sanadkan ayaa waxaa qorshaha ka jawaabista gargaarka deg-deg ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu dalbaday lacag ka badan hal bilyan oo Dollar, si kaalmo loo gaarsiiyo illaa 4 million oo ruux balse la helay 19% lacagtaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here