Qoo Qoor oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka dalka

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubno ka socday Guddiga Hirgelinta doorashooyinka iyo guddiga Xalinta Khilaafkaadka ee Heer federaal oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha guddiga kuwaa oo Dhuusamareeb maanta gaarey.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gelinkii hore ee shalay ayay ahayd markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Mudane Maxamed Xasan Cirro ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa isla magaalada gaaray xubno ka socday Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here