Qoor-Qoor oo booqday deegaan lagala wareegay Al-Shabaab

0

Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa maanta gaaray degaanka Qaycad oo ka mid ah furimaha hore ee ay saakay Ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Qoor-Qoor oo qayb ka ah hoggaaminta dagaalka ayaa horseed u noqonaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalladan ayuu ujeedkooda waxa uu yahay in xoogaga Al-Shabaab  lagaga saaro magaallo xeebeedka Xarardheere iyo degaannada kale ee hoos-yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here