Qoor Qoor oo shaaciyey liiska lix kursi oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya.

Qoor Qoor ayaa soo saaray 12 musharax oo u tartami doona 6 kursi oo ka mid ah 8-da kursi ee Galmudug ku  leedahay Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa liiska ka soo muuqday 3 xubnood oo ka mid ah Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas oo kala ah Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa dib u dhigay 2 kursi oo muran iyo loolan adag ka jiro, waxaana ka mid ah isku haya Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa, waana kursigii uu ku fadhiyay Cabdiwaaxid Goonjeex, halka kursiga kale ay isku haystaan Cabdi-qeybdiid oo horey ugu fadhiyay iyo Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Liiska waxaa sidoo kale laga saaray Abshir Bukhaari oo ahaan guddoomiye ku xugeenka Aqalka Sare ee waqtigiisa uu dhammaaday.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here