Qoor Qoor oo xalay shir deg-deg ah la yeeshay golaha wasiirada Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada maamulkaasi oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen.

• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here