Qoor Qoor oo shirka golaha wasiirada Galmudug ku qabtay Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada DGM oo xalay ka dhacay degmada Guriceel.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga gudaha, maqaamka magaalada Guriceel iyo  warbixinta  Guddiga Gurmadka Gurceel.

1- Amniga Guud

Golaha Wasiirada DGM ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta dowladda ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud.

2-Guddiga Gurmadka Guriceel

Guddiga, ayaa ka warbixiyay gurmadkii ay soo gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaalada dib u dajinta loogu sameynayo.

3- Maqaamka Guriceel

Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ansixinta Degmada Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo federaalka.

-Dhamaad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here