Qoys Soomaali ah oo ku dhintay dab ka kacay magaalo ku taalla Faransiiska

0

LIYON (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad Soomaali ah oo isku qoys ahaa oo ka mid noqday shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay musiibada ka dhalatay dab habeen hore ka kacay dhisme ku yaalla bariga magaalada Liyon ee dalka Faransiiska, halkaas oo illaa 43 kun oo soo galooti ah ay ku noolaayeen.

Saraakiisha Booliska ayaa shaaciyay in dabka ay ku dhinteen illaa 10 qof oo 6 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali, kuwaas oo kala ahaa 4 Carruur ah, Hooyadood iyo Habaryartood.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah ku aadan dabkaasi, ayada oo goobta la geeyay baareyaal khubaro ah.

Dhacdadan ka dhalatay dabka ee ay qoyska Soomaalida dhibaatada kasoo gaartay ayaa dhacday Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana weli socdo gurmad ay wado dowladda dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here