R/W ku-xigeenka dalka oo qabtay shir looga hadlayey gurmadka abaaraha

0

MUQDISHO (SMN) -Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn.

Saalax Jaamac ayaa warbixin ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa faray in howllaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here