Ra’iisul wasaare Rooble oo farriin u diray shacabka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban siiyey warbaahinya ayaa farriin culus u diray Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Sidoo kale Rooble ayaa faray  Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here