R/W Rooble oo jawaab ka bixiyey tallaabadii madaxweyne Farmaajo

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo war kooban soo saaray ayaa jawaab ka bixiyey tallaabadii uu qaaday madaxweynaha oo shaaciyey inuu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda.

Rooble ayaa go’aanka madaxweynaha ku tilmaamay mid sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in wixii mas’uuliyad  ah ee ka dhasha uu qaadi doono Farmaajo.

Halkan hoose ka aqriso:-

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here