R/W Rooble oo si kulul u cambaareeyey qarixii ka dhacay wadada Cabdiqaasim

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta cambaareeyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay Al-Shabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen dad rayid ah,: ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here