R/W Rooble oo war kasoo saaray doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb

0
RW Somalia Mohamed Hussein Rooble

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee lagu doortay Senataradii ugu dambeeyey ee Golaha Aqalka Sare.

Rooble ayaa ugu horreyn bogaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada, wuxuuna u mahadceliyey madaxweynaha Galmudug iyo xildhibaanada maamulkaasi.

“Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Waxaan sugnaaba waa in dowlad-goboleedyada oo dhami sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka,”.

Si kastaba, doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay xubnaha Aqalka Sare, waxaana haatan billow ah mida Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here