R/W Rooble oo xilalka u kala wareejiyey Wasiiradda Gaashaandhiga & Cadaaladda

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirkii hore wasaaradda Cadaaladda mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac)

Wasiiradan ayuu dhowaan Ra’iisul wasaaraha XFS ugu kala bedelay labadii wasaaraddood ee hore u kala hayeen isagoo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac) halka wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda loo magacaabay Xasan Xuseen Xaaji.

Isku shaandheynta uu sameeyey ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xiisad culus ka taagan tahay Villa Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here