AFGOOYE (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo dagaalka Al-Shabaab ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.
Sidoo kale waxaa munaaasabadda goobjoog ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage.
Ciidamada tababarka loo soo xiray oo aad u qalabeysan ayaa la filayaa inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-