Ra’iisul wasaare xamza oo qaabilay wasiiro ka socday maamul goboleedyada

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Heer Federaal iyo kan Dowlad Goballeedyada.

Wasiiraddan oo maalmihii la soo dhaafay shirar uga socday caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka shirarkii ay galeen iyo shaqooyinka ay umadda Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan isagoo kula dar-daarmay in bulshada lagu wacyi galiyo in khayraadka badaheena ku jira la soo baxaan sidoo kale ay tababaro iyo gacan qabad siiyaan ganacsatada yar yar ee ku hawlan sidii ay badda wax ugala soo bixi lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here