R/W Xamza oo warbixin ka dhageystay guddiga loo xisaaray qaraxyadii Zoobe

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Gurmadka ee loo xil-saaray qaraxyadii Soobbe 2.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xubnaha guddigan oo uu horkacayey Wasiirka Caafimaadka ka dhageystay warbixin guud ahaan oo ku aadan sida ay u wajaheen dhacdadaasi.

Xubnaha Guddiga Qaran iyo guddi hoosaadka ay sameeyeen oo ay ku jiraan culimada, ganacsatada iyo ururada bulshada ayaa ka warbixiyay waxqabadkii iyo abaabulkii ay sameeyeen ee loogu gurmanayey dadka dhibanayaasha ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here