R/W Rooble oo war kasoo saaray geerida Dr Maxamed Daahir Afrax

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday London.

“Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra”iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Marxuum Afrax uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo Ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here