Rag hubeysan oo Nabadoon caan ahaa ku dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo Nabadoon caan ahaa maanta loogu geystay qaybo ka mid ah gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye, wuxuuna sidoo kale ahaa ganacsade, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen falkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey weerarkii hoteel Xayaat.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here