Rag hubeysan oo rasaas ku furay ardayda iskuulka Hoyga Xamar

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaas maanta lagu furay ardayda xanaanada dugsiga Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay ardayda.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay tageen iskuulka, kadibna ay rasaaseeyeen ardaydii ku sugneyd halkaasi.

Kooxda ka dambeysay shaqaaqadaasi ayaa la sheegay inay keensadeen rag ganacsato ah oo dhul boob ku haya iskuulka.

Sidoo kale waxaa goobta tegay taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo ballan-qaaday inay wax ka qaban doonaan dhibaatadaas oo ah mid soo noq-noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here