Rag hubeysan oo maanta dil ka geystay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa saaka degmadaasi toogasho ahaan loogu dilay illaa saddex qof.

Dadka la dilay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen askar, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Muuse Bulaal (Cali Dahab) iyo Xasan Dacaar, halka midka saddexaad uu ahaa qof shacab ah.

Kooxdii dilka ka dambeysay toogashada ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay, kadib falkaasi dilka ah.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, balse illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here