Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tegayo Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Rooble ayaa Garoowe kula kulmi doono madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya  in Ra’iisul wasaaraha uu labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland kala hadli doono doorashooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay u tegay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, isaga oo arrimo la xiriira doorashada kala hadlay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here