Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Jigjiga + Sawirro

0

JIGJIGA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa lag soo dhaweeyay magaalada jigjiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil waal ee Magaalada jijiga kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) & mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka wadashaqeynd ee labada dhinac & iskaashia amniga xaduudaha & la dagaalanka Al-Shabaab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here