Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Garbahaarey

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Rooble ayaa Garbahaarey u tegayo arrimo la xiriira doorashooyinka, maadaama khilaaf ka jiray dalka ay qeyb ka aheydn arrinta gobolka Gedo.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Kismaayo ayaa marka uu tago Garbahaarey la kulmi doono maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here