Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Nairobi

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda.

Rooble ayaa wada-hadallo ku aadan dib u hagaajinta xiriirka labada dal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi ee Uhuru Kenyatta oo isagu u fidiyey casuumadda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan wafdi horudhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha ay gaareen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Socdaalkan ayaa ka dhashay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay maalin ka hor ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here