Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay warbixin ka dhageystay saraakiisha ammaanka ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo faah faahiyey howlgallada ka socda gobollada Sh/Hoose, Baay & Bakool.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu maanta qaabilo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardargelinta doorashoooyinka ka socda dalka.

Rooble ayaa degmada Baydhabo u tegay ka qeyb-galka munaasabad lagu maamuusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Lafta Gareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here