Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qaar ka mid ah madax goboleedyada

0

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan casha ah la qaatay qaar ka mid madaxda Dowlad goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka cashada ee Ra’iisul Wasaaaruhuu sameeyay madaxdan, ayaa imaanaya iyadoo la filayo in uu Muqdisho si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, iyadoo la filayo in ay soo gaaraan madaxweyneyaasha Puntland iyo Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here