Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Masar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.

Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda Masar.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka dhow la leh Soomaaliya, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageero ku aadan dhinaca bani’aadanimada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here