Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban 9 xubnood oo qaabilsan qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeendoonaan qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, waxaana Guddomiye u ah Guddiga Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe.

  1. Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye
  2. Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale Wasiirka Amniga, guddomiye ku xigeen.
  3. Mudane Duraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, xubin.
  4. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda, xubin.
  5. Marwa Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, xubin
  6. Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xubin.
  7. Marwa Shukri Maxamuud Afrax Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Biyaha, xubin.
  8. Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubin.
  9. Mudane Bashiir Axmed Cismaan Agaasimaha Golaha Wasiirada Xoghayn.

Guddiga ayaa ka shaqey doono qaban qaabada maalmaha xoriyadda, waxaana qofkasta looga baahanyahay in uu ka qeyb qaato xuska todobaadka xoriyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here