Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo + Sawirro

0

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad gobaleedka Jubaland, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Ra’iisul Wasare Rooble, ayaa dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalka ay ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo guud  ahaan howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here