Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya oo kormeer ku tegay dekedda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFSMaxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagay dekadda Muqdisho isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha dekadda.

Rooble oo la kulmay wasiirrada hay’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyiinta amniga dekadda ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarrada dekadda iyo wada shaqeynta hay’daha kala duwan ee ka howl gala dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here