Ra’iisul wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booqday xarunta safaaradda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo kormeeray qeybaha  kala duwan ee safaaradda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa intii uu booqashada Safaarada ku jiray warbixinna ka dhageystay Safiirka iyo howl wadeennada kala duwan ee Safaaradda.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, oo sxiib dhaw la ah dalkeena Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here