Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo isku bedalay labo wasiir

0
RW Somalia Mohamed Hussein Rooble

MUQDISHO (SMN) – Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga  JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisulWasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga  XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badn xilalka ula kala wareegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here