Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Angola

0

LUANDA (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladooda gaar ahaan caqabadaha heysta iyo fursadaha ganacsi ee yaalla dalka Angola, Iyagoo dhankooda xusay inay soo dhawaynayaan dadaallada ay dawladdu waddo ee dhinacyada Amniga iyo Dib u xoraynta dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Magaalada Luanda ee caasimadda Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here