Sawirro: Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Garbahaarey

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.

Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaan.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Ra’iisul Wasaare ee Jubbaland ayaa ah sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo la xiriira maamulka gobolka Gedo oo uu muddo dheer khilaaf ka taagnaa.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ay yihiin labada magaallo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.

Sidoo kale Rooble ayaa intii aanu ka ambabixin magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in uu booqasho ku tagi doono dhammaan magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada dadban ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here