R/W Rooble iyo Axmed Madoobe oo xog wareystay saraakiisha ciidanka Xoogga

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan maanta booqday Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Geesiyaasha way ku mahadsanyihiin sida nafhurnimada leh ee ay ugu heellanyihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an in aan ka jawaabno baahiyaha ciidankeenna ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay ciidanka inay dar dargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee guud ahaan dalka looga saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here