Ra’iisul wasaare Rooble oo cambaareeyey qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay Jubba

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dadweyne fara badan, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Rooble ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:-

”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here