Ra’iisul wasaare Rooble oo diray hambalyo ku aadan xuska 26-ka June

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasibadda 26-ka June oo caawa si weyn looga xusay Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkan kiisa xiga ay ku gaaraan Nabad iyo Horumar.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Woqooyi ee dalkeenna iyo markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Innagoo u dabbaaldegeyna sanad guuradii 61aad ee xornimada dalkeenna, waxaa xusid, ammaan, duco iyo ku dayasho mudan halgameyaaahii Soomaaliyeed ee rag iyo dumarba lahaa ee dhiiggooda u soo huray xorriyadda, dhidbidda calanka iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xorta ah.

Si gaar ah waxaan u xusuusaneynaa halgameyaashii iyo dhaqshaqaaqyadii gobannimo-doonka ee gobollada woqooyi ee markii ay gumeysiga iska dulqaadeen gartay in ay la midoobaan walaalahooda Koofureed halkaas oo uu ka dhashay qaran Soomaaliyeed.

61 sano ka dib xornimadii aan hanannay, waxaan wali baahi weyn u qabnaa midnimo, walaalnimo iyo wadajir si aan u xaqiijinno himilooyinka shacabkeenna oo u hamuun qaba horumar dhinac walba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here