Ra’iisul wasaare Rooble oo guddi u xilsaaray doorashada Garbahaarey

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland taas oo xarunteedu tahay magaalada Garbahaarrey.

Rooble ayaa faray Guddida inay soo qiimeeyaan xaaladdaha Amaanka deegaan doorashada labaad ee jubaland iyo waxyaabah looga baahan yahay si ay ugu qabsoomto Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu halkaas tahay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xubnaha Gudidfa faray inay warbixintooda kusoo celiyaan mudo dhan 7 cisho guddahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here