Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

0
RW Somalia Mohamed Hussein Rooble

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyey munaasabadda 12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad  NNKH.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda  12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad  NNKH. Sanadka xiga iyo sanado kale oo badan Eebbe ha nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here