Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la leh Midowga Musharixiinta + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan gaar ah la leh Midowga Musharraxiinta mucaaradka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan daah-furnaanta hannaanka doorashada 2021-ka.

Musharixiinta mucaaradka ayaa dhowaan walaac ka muujiyey, sida ay ku billaabatay doorashada Golaha Shacabka, taas oo soo keentay kulanka ay la leeyihiin Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here