Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay guddiyada qaabilsan doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo kan xallinta khilaafaadka, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta doorashooyinka.

Rooble ayaa sidoo kale sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu faah faahiyey kulanka uu maanta Rooble la qaatay guddiyada doorashooyinka dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta  iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya.

Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here