Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Kulankan wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay weli dood adag ka taagan tahay kuraasta gobollada Waqooyi, sidoo kalena la bilaabay qabashada doorashada Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here