Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

Tallaabadan oo qeyb ka ah dardar galinta qoondada haweenka, ayaa lagu magacaabay 12 xubnood oo haween ah iyo hal xubin oo rag ah.

Golaha wadatashiga qaran ayaa shirkoodii bishii june ee lasoo dhaafay waxay 50% dhimeen qidmada lacageed ee laga qaadayo haweeenka Soomaaliyeed ee u sharraxan barlamaanka labadiisa aqal.

Guddigan waxaa hoggaaminaya Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here