Ra’iisul wasaare Rooble oo Nairobi kula kulmay wakiilada beesha caalamka

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka ee ku sugan waddanka Kenya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu kulan la qaatay qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Nairobi.

Sidoo kale warkan ayaa waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu wakiilada beesha caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka billowday iyo taageeradooda dhaqaale.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi qaar ma mid safiirada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka.”

Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Nairobi ayaa horay kulamo gaar gaar ah ula yeeshay madaxda sare ee Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here