Ra’iisul wasaare Rooble oo sameeyey ballan qaad ku aadan doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynayeen kuna taageerayeen hoggaaminta Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey bulshada degmada Deyniile tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga caasimadda iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo bilicda Gobolka Banaadir maadaama ay degmada Deyneele leedahay goobo dalxiis oo soo jiidasho leh.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa adkeeyey ballan-qaadka Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.

Dhankooda, waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada degmada Deyniile ee kulanka soo agaasimay ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaraaha iyo Xukuumadda uu hoggaaminayo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaruha in uu xiriir dhow la yeesho qeybaha bulshada, una tixgelinaayo talooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here